Soomaali
|
TPT NOW waxay la shaqaysaa bahwadaagta warbaahinta dhaqanka ee Twin Cities (magaalooyinka mataanaha ah) si ay u bulshadaada siiso macluumaadka la xiriira caafimaadka, cimilada, badbaadada, iyo xaaladaha degdegga ah Halkan waxa aad ka heli kartaa kheyraadyo badan oo kala duwan oo Soomaali ah iyo mashaariicda waaweyn ee TPT NOW ee ka dhex jira bulshada Soomaalida.
U diyaargarowga Cimilada
|
Minnesota waxay leedahay cimilo aad u xun sanadka oo dhan. Heerkulka xagaaga wuxuu u dhaxayn karaa 40 digrii ilaa 90 digrii inta lagu guda jiro maalinta, duufaano daran ayaana iska imaan kara. Heerkulka xilliga qaboobaha wuxuu hoos ugu dhici karaa ilaa heerkul aad u hooseeya taas oo bannaan u bixista ka dhigaysa mid aan ammaan ahayn, oo dabaylaha barafka sidana waxay carqaladeeyaan safarka iyo hawl maalmeedka caadiga ah.
Inta lagu jiro cimilo daran, TPT NOW waxa ay bixisaa digniino ku baxa luuqadaha Ingiriiska, Isbaanishka, Hmong, iyo Soomaali si adiga iyo qoyskaaguba aad u badbaaddaan inta lagu jiro afarta xilli. TPT NOW waxay sidoo kale ku siinaysaa warbixino cusub oo ku saabsan sida loogu diyaargaroobo xilli kasta si aad ugu raaxaysato bannaanka inta lagu guda jiro sanadka oo dhan.
Khayraadyo
|
Haddi aad u baahan tahay in lagaa caawiyo caafimaadka maskaxda, shaqo raadiska, ama aad rabto in aad la xiriirto ururada kale ee ku lug leh bulshadaada, TPT NOW waxa ay halkan u joogtaa in ay ku caawiso. Halkan waxaad ka heli doontaa liiska kheyraadka Soomaalida ee laga helo deegaanka iyo la-hawlgalayaasha TPT NOW:
Shirarka Jaraa'id ee Guddoomiyaha
|
TPT NOW waxay shuraako la noqotay Somali TV si ay u bixiyaan shirar jaraa’idyada dowlada sida tooska ah ugu baxa luuqadda Soomaaliga, waxayna bilaabeen bilowgii faafitaanka cudurka safmareenka ah ee COVID-19 iyo intii lagu jiray kacdoonkii sokeeye kadib dilkii George Floyd. Dhammaan shirar jaraa’idyadii hore ee Af-soomaaliga ah waxaad ka eegtaa bogga Facebook-ga ee Hmong TV.
Abdirahman Issa Kahin, mulkiilaha maqaayadda Afro Deli & Grill, wuxuu la wadaagaya sida xayiraadaha COVID-19 ee Minnesota ee ganacsiyada iyo maqaayidaha ay u saameeyeen maqaayadiisa, iyo waxa isaga iyo shaqaalihiisu ay sameeyeen si ay u siiyaan cuntooyin daray ah iyo caawinaad waayeelka iyo naafada Bulshada Soomaalida iyo bulshooyinka kale ee BIPOC ee ku nool aagga Twin Cities.
Waxaa soo gudbiyay TPT NOW iyo Minneapolis Foundation
TPT NOW iyo Union Pacific waxay jeclaan lahaayeen inay uga mahadceliyaan dhammaan shaqaalaheena muhiimka ah ee ku kala baahsan Magaalooyinka Mataanaha ah shaqadooda adag iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii ay u caawin lahaayeen bulshadooda inta uu ku faafayo safmareenka COVID-19.
Waxaa idiin keenay TPT NOW, Somali TV , iyo Blue Cross Blue Shield ee Minnesota, barayaasha iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee bulshada Soomaalida waxay ka wada hadlaan “caadi cusub” – ku noqoshada dugsiga iyo shaqada, adkeysiga bulshada, iyo tallaabooyinka caafimaadka iyo badbaadada ee socda maadaama oo ay ku xiran yihiin bulshada Soomaaliyeed.
© 2024 Twin Cities Public Television